Puntland oo dhaliil iyo hanjabaad u jeedisay dowladda Federalka

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa baaq u diray beesha caalamka, kaas oo uu kaga codsanayo in Puntland laga taageero amaanka. Siciid Deni, ayaa sheegay in Maamulkiisa uusan helin taageerada dhinaca amaanka ah ee ay Beesha Caalamka ku bixiso amaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Hubka beesha Caalamka ay ku taageerto Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aysan qeybteeda helin Puntland.

Waxaa uu xusay in Puntland ay tahay meesha ugu daran dhinaca amaanka ooo ay si wada jir ah uga dagaallamaan Daacish iyo Al-shabaab.

Siciid Deni, ayaa sheegay in haddii taageerada caalamka aan Puntland qeybteeda laga siin ay isku tashan doonto Puntland sida uu hadalka u dhigay

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.