Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shir ka furmaya magaalada Sharma El Sheikh

Magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar waxaa ku sii qulqulaya hoggaamiyayaasha dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Yurub.

Waxaa halkaas ka dhacaya shirkii ugu horreeyay ee ay isugu yimaadaan Waddamada Carabta iyo kuwa Midowga Yurub.

Shirkan ayaa Soomaaliya waxaa ku matalaya Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Shirkan waxaa ka qeybgelaya 22ka Hoggaamiye ee Waddada Jaamacadda Carabta iyo 28ka Hoggaamiye ee Waddamada Midowga Yurub.

Waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa Maalgashiga, xiriirka, la dagaallanka Argagixisada iyo sidii loo yareyn lahaa Muhaajiriinta ka baxa Waddamada Carabta ee u tahriiba Dalalka Yurub.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.