Soomaaliya oo ururka Jaamacada Carabta ka heleysa halgan ay muddo dheer ku jirtay

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay mardhow madax ka noqoneyso Ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in lixda bilood ee soo socota ay Soomaaliya madax ka noqon doonta Golaha Wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta.

Sanadkii hore ee 2018 ayaa mar la isku soo qaaday in Soomaaliya ay marti geliso shir madaxeedka Jaamacadda Carabta inkasta oo aan la caddeyn in la baajiyay ama la qabanayo.

Soomaaliya ayaa muddo dheer halgan ugu jirta sidii ay uga soo muuqan lahayd hoggaanka Jaamacadda Carabta oo ay xubin ka tahay tan iyo 1974tii.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.