Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay baaritaanadii ugu dambeeyay iyo dad loo qabtay dilka Xil. Boqore

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay labo qof gacanta ku dhigeen kuwaas oo lagu tuhmayo dilkii Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Cabdullahi Xasan Bariise ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Xildhibaanka loo soo qabtay labo eedeysane iyo Gaariga loo adeegsadayba.

Waxaa uu Jeneraal Bariise sheegay in howlgalka uu wali socdo laguna daba jiro dad kale oo lala xiriirinayo dilka loo geystay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Boqorre ayaa siyaasadda Soomaaliya ku jiray 20kii Sano ee ugu dambeeyay,waxaana uu ahaa Xildhibaanka ugu da’da weyn golaha shacabka Soomaaliya.

Dilka Xildhibaanka waxaa sheegatay xarakada AL-shabaab,iyada oo xustay in raggii weerarka geystay ay isaga baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.