Taliyaha Ciidanka Asluubta dalka Sudan oo booqday xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan S/Guud Haatim Al-nuur  C/qaadir oo martiqaad ka helay dhigiisa dalka Soomaaliya  S/guud Bashiir Maxamed Jaamac  ayaa waxaa Xarunta Taliska Boliiska ku soo dhaweeyey Taliayaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed iyo Madaxda Hogaanadda Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan oo ay wehliyaan Taliyayaasha Ciidamadda Asluubta iyo Boliiska ayaa Salaan ka qaatay Cutub ka tirsan Ciidanka Boliiska waxaana kooxda baanbeyda Muusikada u garaaceen Astaanka Muusikada Labada Dal, isagoo mid mid ugu soo wareegay qaybaha uu ka kooban yahay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliayaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa martiqaad rasmi ah ugu dhiibay Taliyaha Ciidanka Boliiska Suudaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan Saree Guud Haatim Alnuur C/qaadir ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta ay u sameeyeen Ciidanka Boliiska, iyadoo ay tahay markii ugu horeysey ee uu booqasho ku yimaado Dalka Soomaaliya.

Dalka Suudaan ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu horeeya ee ka caawiya Soomaaliya Tababarida qaybaha ay ka kooban yihiin Ciidanada Qalabka Sida.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.