Damaca Kenya ay ku raadineyso boobka Badda iyo Dhulka Soomaaliya

                           W/Q: Mahir Jama Adam

Dad badan waxay la yaabanyihiin sababta Kenya oo dowlad weyn ah ay uga soo yeerayaan go’aano iyo hadalo aan ku miisaan ahayn waayo aragnimadeeda dowliga ah ama siyaasadeed, waxay Soomaali badan durba aamintay in DFS ay ka siyaasad wanaagsantahay tan kenya, lakiin halkaas waxaa ku jira fasiraadyo badan oo u baahan in dhinacyo badan laga eego.

Damaca hororka ah, ee ay dowladda Kenya ku raadinayso dhul iyo bad Soomaaliyeed mahan mid ku kooban kaligeed, waayo muuqaalka guud waa labo dal oo is haya, lakiin dulucda waa shirkado reer Galbeed iyo Yurub oo ay labada dalba xiliyo kala duwan la soo yeesheen heshiisyo shidaal baadhis ah, sidaa darteed Kenya waxaa saaran culays kaga imaanayaa shirkadaha ay horay ugu balanqaaday inay ayagu fulinayaan mashaariicda kheyraad ee baddaas, isla shirkadahaas ayaa walaac xoog leh ka qaba in Maxkamadda Caalamiga ah ay soo saarto go’aano xaq ah oo xoojinaya lahaanshaha dhulka iyo badda Soomaaliya ee hadda lagu muransanyahay, sidaa darteed waxay la dejiyay qorshe siyaasadeed la damacsanyahay in natiijada kiiskaas lagu badelo hab siyaasi ah!.

Tusaale dowladda Kenya waxaa ay abuuraysa xaalad khilaaf siyaasadeed ah oo gaarta illaa heer ay beesha caalamka soo faro-geliso, waliba saameyn ku yeesha gobolka, ka dib waxaa dhici karta in go’aanka maxkamaddu noqdo mid u hiiliya doonista Kenya oo ah in labada dal ay ayagu isa soo xaliyaan, taasna waxay sii fogaynaysaa muranka baddaas waxaana iman kara in soomaaliya aanay sii sheegan baddaas mustaqbalka dhow, waayo waxaa jira daruufo loogaa faa’iideysan karo xiliga adag ee ay maanta marayso Soomaaliya.

Qorshayaasha kenya waa kuwo ay quburo dabo fadhido, waxa la dejinayaa ajendayaal qaarkood fulintoodu soo bilaabatay 25 sano ka hor, waxaa ay fursad muhiim ah u arkaysay Kenya burburka Soomaaliya, waxayna qaadan weysay inay ka qado dhulkaan iyo dadkaan rubuc qarniga dowlad la’aanta ah, ee ay deriska iyo dalalka dunida oo dhan ba ay ka wada manaafacaysanayaan ayadoo boob qarsoon iyo mid cad-ba lagu sameynayo xuquuqaha iyo kheyraadka dal ahaan Soomaaliya, arintaas ayaana ku dhalisay Kenya inay cadka ayada xiga ee dhinaca badda ah ku sii darsato dhulkii NFD ee ay kol hore sii haysatay.

Hadaba, Soomaaliya waxay leedahay maanta waji dowladnimo oo rajo badan, waxayna weeraradaan noocaan ah ee dhul iyo bad boobka ah ee lagu hayo Soomaaliya soo dedejin karaan is-raac Soomaaliyeed, waayo caado Soomaaliyeedka la wada yaqaan ayaa ah in Soomaalida u midowdo cadowga muuqda ee soo weerara naftooda iyo maalkooda. laakiin waxaa iyana dhanka kale jirta falsafad ay isticmaalaan kuwa Soomaaliya boobaya taasoo ay ka dhaxleen siyaasadihii gumaystahii soo maray Soomaaliya.

Siyaasadaas ayaa ah in Soomaalidu yihiin dad qaddiyad badan, dagaalama, quursiga aan qaadan, hadana ay adagtahay in cadow muuqda oo ku soo duulay uu ka guulaysto, sidaa darteed waxa ugu sahlan ee Soomaalida lagu gumeyn karo ayaa ah in lakala qeybiyo oo dhexdooda ulaha la isugu dhiibo, oo cadowgu ahaado mid aan indhahooda iyo caqligooda marna soo qaban. Tusaale markii ay dowladihii Ingiriiska iyo talyaanigu ka guulaysan waayeen Daraawiish wuxuu ugu danbeyn gumaystuhu fikiray in qabiilada la hubeeyo oo Soomaalida la isku jabiyo, taasna waxay ahayd mid cadowga gumaystaha uu daaha ku jiray, hadana sababtay burburkii Daraawiish.

Tusaale, Markii ay dhacday dowladdi dhexe ee Soomaaliya waxaa dalalkii faa’iida doonka ahaa ku adkaatay in ay si muuqata uga daneystaan dalkaan, maadaama uu galay fowdo iyo kala danbeyn la’aan culus, laakiin taas badelkeeda waxay danaystayaashaas abuureen hogaamiyo kooxeedyo qabyaaladaysan oo tiro badan oo mid walbana fuliya wax uusan ogeyn cawaaqibkeeda!.

Kenya haddii ay isticmaasho falsafadan ah in ay la timaado nidaam ay ku kala xigsanayso dalka Soomaaliya, oo ay abuurto khilaafaad iyo iska hotkeenid gudaha ah, waxaa suuro gal ah inay danaheeda si fudud u gaarto, lakiin haddii ay Soomaalinimadu noqoto qaddiyad biyo kama dhibcaan ah, oo aan cadowgu sahal oo usoo dhex mari karin waxaa imanaysa guul taariikhi ah, oo waliba cabsi gelisa kuwa haatan dhulka Soomaaliyeed la maqan!.

Haatan, dowladda Soomaaliya waxaa hor yaala fursado iyo caqabado kala culus, waxaana guul ah in maanta Soomaaliya ay dagaal duplamaansi ah kula jirto dowladihii ku baraaray Qaran-maqnaashaheeda, waxaanan marna kala wanaagsanayn wadamada nala dariska ah, gaar ahaan kuwa dhulalka iyo dadka Soomaaliyeed haysta, sida Kenya iyo Ethiopia, mid walbana wuxuu fursad weyn u arkaa in uusan wadankan (Soomaaliya) yeelan, dowladnimo, midnimo iyo cudud uu ayaga (dalalkaas) kula gorgortamo, hadana waa muhiim in Somaliya la timaado qaddiyad iyo nidaam la macaamili kara ayaga (dowladaha deriska ah), si xal taagan iyo mid mustaqbal loo wado gaaro.

W/Q: Mahir Jama Adam, Gudoomiyaha Ururka Suxufiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.