Madaxweynaha Galmudug oo bilaabay qorshaha sharciyeenta dhulka deegaanada Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Maanta oo Isniin ah waxa uu booqday waaxda dhul bixinta Xarunta Dawladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo

Amar kasoo baxay dhawaan Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa Dawladda Hoose lagu furay in ay si dhaqso leh ku bilaabaan sharciyeenta dhulalka iyo dhismayaasha Magaalada Gaalkacyo oo aysan hada kadib jiri doonin cid meel aysan laheyn iska sheegata

Madaxweynaha Galmudug ayaa Maanta bilaabay qaadasha waraaqda lahaanshe dhul kaas oo si toos ah ay ugu sharciyeeyeen waaxda dhul bixinta ee Dawladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo waxa uuna shacabka reer Gaalkacyo uu ugu baaqay in ay dhulalkooda sharciyeestaan si hadii isqabsi u yimaado sharciga loogu kala baxo.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.