Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Ra’isul Wasaaraha Denmark

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar kula kulmay Ra’isalwasaaraha Dalka Denmark Lars Løkke Rasmussen.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal,taageerada Denmarka ee Soomaaliya iyo horumarinta waxyaabaha danaha guud ah ee ay wadaagaan Denmark iyo Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Denmarka ay qeyb ka tahay dalalka taageera horumarka Soomaaliya.

Denmark ayaa sanadihii dambe ka socday dhaq dhaqaaq Dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool loogu qasbayay in dib loogu celinayo Soomaaliya.

Waxa gudaha Denmark wali ka socda doodaha la xiriira dadka Soomaalida ah dib u celintooyada,iyada oo hay’adaha u dooda soo galootiga ay Maxkamadaha dalkaasi ka difaacayaan go’aanka ay qaadatay laanta socdaalka ee dalka Denmark.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.