Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun dil ah ku riday Askari dil geestay

Maxkamad ciidamada qalabka sida ayaa saakay waxaa ay xukun dil ah ku riday  Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali  oo  loo heysto  dilka Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe  Sanadkii  26-11-2018.

Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud    ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinte gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee goalka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la  socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali    ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka, sidaasi waxaa daabacday maxkamada ciidamada.

Xafiiska Xeer Ilaalinta  ayaa waxaa soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanah, Markaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada  oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo warbaahinta la hadlay ayaa maanta go’aan ka soo saareen dhageysiga  dacwadda loo heystay, Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali, waxaa ayna Maxkamadda ku xukuntay dil-toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.