Somaliland oo go’aan adag ka qaadatay in Turkiga uu dhex-dhexaadiyo wadahadallada

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sababeeyay waxa maamulkiisa uu ku diiday in dowladda Turkiga ay dhex dhexaadisi wadahadalka dowladda Federaalka ah iyo maamulkiisa.

Muuse Biixi ayaa ku dooday in Turkiga uu taageero dowladda Federaalka ah, sidaas darteedna uusan dhex dhexaad ka noqon karin wadahadalka dowladda dhexe iyo Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Turkiga ay ka soo jawaabeen su’aal ahayd in wadahadalka lagu soo daro dowlado kale oo aan Turkiga ahayn.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Turkiga uu arrintaas ka aqbalay islamarkaana ay wadahadalka ku soo biirayaan dalalka Mareykanka,UK iyo kuwo ka mid ah Jaamacadda Carabta.

Wadahadalka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in uu furmo bisha April ee soo socota.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.