Wararkii ugu dambeeyay diyaarad Rakaab sida oo laga badbaadiyay Afduub

Qof rakaab ah oo looga shakiyay in uu isku dayay in uu af duubto diyaarad ukala duulaysay Bangladesh iyo Dubai ayay toogasho ku dileen ciidammada sida khaas ah u tababaran ee Bangladesh.

Qofka laga shakisan yahay oo la sheegay in uu ku goodiyay in uu bistoolad qabo ayaa la dilay ka dib markii laamaha ammaanku ay si degdeg ah hawlagan u filiyeen markii diyaaraddu si degdeg ah cago dhigatay Chittagong.

Waxaa badbaaday dhammaan 148 rakaab iyo shaqaalaha isugu jiray ee saarnaa diyaaradda ay leedahay shirkadda Biman Bangladesh Airlines oo duulimaad nambarkeedu ahaa BG147

Wali ma cadda sababta qofka laga shakisan yahay uu isugu dayay in uu diyaaradda afduubto

Masuuliyiin ka tirsan ciidammada qalabka sida aayaa sheegay in nink laga shakisan yahay oo la rumaysan yahay in uu 25 jir yahay la dhaawacay markii la toogtay Axaddii balse uu wax yar ka dib geeriyooday, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.