Gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay Kenya, kadibna la jarjaray Meydkeeda

Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii Magalada Nairobi dalka Keny waxaa lagu dilay gabar yar oo Magaceeda lagu sheegay Ismahaan,isla markaana ay la joogtay dad ay ehel ahaayeen.

Ehelka Gabadha waxa ay sheegeen dilkeeda ka dambeysay Haweeney ay qaraaba ahaayeen oo ay la joogtay,,isla markaana la jarjaray,waxana Hooyadeed ay ku nooshahay Xeryaha Qaxootiga Kaakuma halka Aabaheed uu ku nool yahay Magalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ehelada Gabadha la dilay ayaa waxa ay sheegeen in ilaa iyo hadda aysan ogeyn waxa loo dilay,waxana ay dalbadeen in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas,waxana Haweeneydii dilkaasi geysatay Gacanta ku dhigay Ciidamada Booliska Kenya,iyada oo lagu xiray Saldhiga Booliska Bangani.

Waa dhacdo kale oo aad looga naxo kadib dilkii Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas oo 12 jir ahayd,waxaana dhacdooyinkaas ay noqdeen kuwo aad looga hadal haayo Baraha Bulshada ay isticmaasho.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.