Madaxweynaha Puntland oo si kulul kaga hadlay falkii foosha xumaa ee lagu Dilay Caasho

Madaxweynaha  Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa cambaareeyay sidoo kalena tacsi u diray qoyska ay ka geeriyootay caasha, waxaana uu tilmaamay in haweenku yiihiin dadka ay ku jirto karaamada bini aadamka, wuxuu tilmamaay in ay yihiin laf dhabarta bini’aadamka iyo horumarka bulsho kasta.

“Waxaan rabaa runtii inaan la wadaago ummada Soomaaliyeed iyo hablaha sharaftaleh ee reer Puntland iyadoo horumar lataaban karo dalka ka socdo , hadana waxaa socda dhaqamo aad u xun xun oo runtii naxdin leh oo bini’aadamtinimada iyo diintaba ku xun , waxaad ogtihiin habeenimadii xalay ahaa waxaa lagu kufsaday gabadh yar oo 13 jir ah magaalada Gaalkacayo oo si xun loo fara xumeeyey hadana la diley oo hadana inta lasoo qaaday gurigooda la hordhigay waxaas waxa samaynaaya waa dhalinyaro” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in dowladdu talaabo sharci ah ka qaadi doonto cid kasta oo ku xad gudubta xaquuqda bini’aadamka.

“Dowladdu waxay ka qaadi doontaa talaabo deg deg ah cid kasta oo ku xad gudubta karaamada bini aadam ka iyo nolosha, Gabdhuhu waa walaalaheen, waa xaasaskeenii, waa hooyadeen, waa dadka runtii karaamadeenu ay ku jirto waxay u baahan yihiin in la dhawro”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Caaisha Ilyaas waxay ahayd 12 sano jir muddo 7 maalmood ka hor ah ayaa la waayey raq iyo ruuxba, waxaana waalidkeed iyo ehelekoodu ay ku jireen baadigoobka gabadhaas yar. Waxaa dadka Gaalkacyo aragagax ku noqotey saakey markii meydka gabadha yar la soo dhigey meel ku dhaw gurigooda oo ku yaala Gaalkacyo.

Gabadha ayaa loo geystey jirdil iyo kufsi sida uu xaqiijiyey taliyaha qaybta gobolka Mudug, waxaana socda baaritaan sidii loo heli lahaa kuwa ka danbeeyey dilkan foosha xun.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.