Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan dalka Qatar, kadib culees siyaasadeed oo soo food saaray

Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani iyo Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inay berrito Kulan Rasmi ah ku yeeshaan caasimadda dalkaasi ee Dooxa.

Twitter-ka Wakaalladda Wararka Qatar ee Qatar News Ageency ayaa lagu sheegay in  Amiirka Qatar, Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani iyo Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo berrito kulan ku yeelan doonaan Qasriga Amiiri Diiwaani oo ku yaalla magaalladda Dooxa.

Kulankaasi ayaa la sheegay inay Labada Hoggamaiye  kaga wada xaajoon doonaan xiriirka wadajirka ee labada Dowladood iyo sidii loo sii xaqiijin lahaa Iskaashiga Qatar iyo Somalia.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya labo sano kaddib ay soo wajahayaan dhibaatooyin dhaqaale xumo iyo dagenaansho la’aan siyaasadeed

Madaxwyene Framaajo waxa uu horey dalkaasi u booqday 3 jeer tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay bishii Feberaayo 8-dii ee sannadkii 2017-kii, waxaana Qatar ay kamid tahay dalalka taageera Soomaaliya.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.