Sababaha madaxda Soomaliyeed uga baxaan ballamaha ay galaan xiliga musharaxnimada

Candiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo mar soo noqday musharax madaxeyne-nimo hadana ah Gudoomiyaha xisbiga wadajir ayaa ka sheekeeyay sabata isku badaalaan madaxda Soomaaliyeed marka ay xilalka qabtaan sidoo kalena uga baxaan ballamahii ay galeen.

C.Shakuur ayaa sidan hoos ku qoran kaga hadlay sababaha:

Saaxibkeey ayaa i waydiiyey sababta ay madaxda Soomaalida ballammada ay xilliga doorashada galaan ugu baxaan markii ay kursiga ku fariistaan. Waxaan ku iri “ ka warran haddii aad dhakhtar tahay oo bukaan qandhaysay kuu yimaado, sow tillaabta ugu horreysa ee aad qaadayso maaha in aad siiso kaniini qandhada ka jebiya, kaddibna baaritaan u dirto si aad u ogaato waxa qandhada keenay?

Wuxuu igu yiri “ haa”. Waxaan ku iri “ ka warran haddii aad mooddo in xanuunka bukaanka haya ay qandhada tahay oo kaniiniga qandho jebis ka ah ku filanyahay? Wuxuu yiri “Dhakhtar fiican ma ihi”.

Waxaan ku iri “Mushkiladda Soomaaliya haysata waxay leedahay cudur asal ah iyo qandho cudur ku keenay.

Siyaasiyiin badan ayaa u haysta in haddii qandhada karkeeda la jebiyo ay mushkiladii xallisantay, oo aysan u muuqan cudur ka qandhada keenay ee u baahan in la daweeyo.

Haddaba, siyaasigii markii uu doorashada gelayo u haysta in mushkiladu tahay safarrada faraha badan ee ay madaxdu galaan, jidadka xiran, maamul iyo baratakool xumi, Madaxweyne iyo Raysalwasaare is khilaafa, Wasiirada oo shaqadooda ka soo daaha, mushaarka oo aan la bixin, waa siyaasi u haysta mushkiladu in ay qandhada tahay.

Laakiin waxaa jira siyaasiyiin u arka in asalka mushkiladda ay tahay Soomaalida oo isku fahmi waysan nuuca dawladnimo ee ay dhisanayaan, dastuur ka ay dhiganayaan, is- aaminaad iyo isku kalsooni la’aanta, ka foojignaanta talada oo koox ama qabiil gooni ah gacanta u gasha, qaybsiga awoodda xukunka, khayraadka iyo dakhliga oo aan lagu heshiin, maaraynta loolanka danaha is- diidan ee dal, deris iyo adduunba leh.

Siyaasiga u arka in qandho iyo cudur ay jiraan wuxuu xooga saarayaa, dib u heshiisiin, talo wadaag, dastuuur heshiis lagu yahay, kalsooni dhisid, is-aaminaad bulsho, awood qaybsi, iyo matalaad dhab ah.

Dhakhtarka waa la soo imtixaanaa, wuxuuna soo qaataa shahaado caddeynaysa in uu xirfad dhakhtarnimo leeyahay, markaas ayaa daawaynta bukaanka lagu aaminaa.

Nasiib daro Soomaaliya kama jirto meel lagu imtixaano siyaasiga oo lagu soo ogaado aragtidiisa, waaya- aragnimadiisa iyo kartidiisa hogaamineed si loogu aamino hoggaanka dalka. Kuwa dooranaya dan kama laha aragti, waaya aragnimo iyo karti toona.

By: Cabdiraxmaan Cabdishakuur

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.