Ciidamada Kenya oo Askari Soomaaliyeed ku dilay gobalka Gedo

Wararka ka imanaya Degaanka Faafaxdhuun ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay askari Soomaali ah ku dileen gobolkaas mid kalena ku dhaawacmeen.

Askarta Kenyaanka ah oo saaka ka baxay degaan 25km u jira Faafaxdhuun ayaa la kulmay qarax,waxaana kaddib Ciidamada ay ka shakiyeen Askari Taleefan ku hadlayay oo Soomaali ah.

Rasaastii ay ku fureen Askariga ayuu u geeriyooday waxaana sidoo kale ku dhaawacmay mid kale oo la taagnaa.

Qof ka mid ah goobjoogayaasha ku sugan degaanka ayaa  xaqiijiyay in Ciidanka Kenya ay ka shakiyeen Askariga Taleefanka ku hadlayay oo ay ku tuhmeen in uu qaraxa xogtiisa bixinayay.

Ciidamada Kenya ayaa shalay isaga baxay degaanka Faafaxdhuun ee Gobolka Gedo oo 80km dhinaca galbeed uga beegan Baardheere.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.