Ra’isul Wasaare Kheyre oo Geneva kaga qeyb galaya shir aan lagu casuumin!

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galaya shir ka furmaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland oo looga hadlayo arrimaha dhalinyarada iyo shaqaaleysiintooda.

Safarka Ra’isul wasaaraha ayaa ahaa mid deg deg ah mana jirin casuumaad rasmi ah oo dowladda Federalka loo soo diray marka laga reebo safiirada Soomaaliya u fadhisa Swizerland Faaduma Cabdullahi Maxamud Insaani oo la siiyay warqad casuumaad ah oo shirka uga qeyb gasho.

Faaduma Insaani ayaa casuumadeeda la wadaagtay Kheyre waxaana uu yiri” ii weydii inaan aniga ka qeyb gali karo ” sida ay xaqiijiyeen Dimloomaasiyiin Soomaaliyeed oo la soo xiriiray Somalitopnews.com.

Shirka waa mid lagu ceybeenayo Sacuudi Carabiya, dowladda Qatar ayaana bixisay casuumada la siiyay safaaradda Soomaaliya ee Geneva,sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ayaa wax Qudbad ah uusan ku laheyn shirkan uu iska aaday.

Majiraan madax nuucey doonta ha ahaatee oo shirka ka qeyb galeyso kama qeyb galayo Ra’isul Wasaare ama madaxweyne waxaa dolwadaha ay soo dirsadeen safiiro iyo wasiiro.

Faaduma Insaani ayaa lacag kaga gadatay Ra’isul Wasaare Kheyre casuumaadii la siiyay, mana jirin shaqsi katirsan dowladdda Swizerland oo wafdiga Soomaaliya soo dhaweyay.

Arrintan ayaa muujineysa musuqa baahsan ee ka dhexjira xukuumadda Soomaaliya taa oo sidoo kale caalamka arki karo.

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.