Wasiirada Haweenka oo dooneysa in si shaqsiyan ah ula wareegto Guriga Hooyooinka Soomaaliyeed

Batuullo Gabelle oo ah gudodomiyaha ururka haweenka qaranka soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u sheegtay in wasiirka haweenka ay damacsan tahay sidii ay ula wareegi laheed guriga hooyooyinka oo ka agdhow madaxtooyada soomaaliya.

Marwo Batuula ayaa tiri “Gabadha wasiirka Haweenka ah, waxay igu tiri 5, 000 oo dollar ayaan Mushaar kaaga dhigayaa ee guriga Hooyooyinka igu wareeji aan maqaayad ka dhigtee, Haweenka buuqayana iska dhaaf”.

Iyada oo hadalkeeda sii wadata ayay sheegtay heerka musuqa Soomaaliya uu gaariisan yahay ay tahay mid xad dhaaf ah.

” Musuq-maamuqa ayaa halkaas gaaray, miyey wasiiradaas Ra’iisul wasaaruhu ogeyn ayey hadalkeeda raacisay” ayay hadalkeeda ku soo gaba gabeeysay.

Waxa ay sheegtay in mar ay kulan la qaadatay wasiirka wasaaradda haweenka ay uso jeedisay in bil kasta mushaar 5,000 oo doolar ah qaadato haweenka ay hogaanka utahayna kasoo dhexbaxdo si ururka l magaciisa meesha looga saaro .

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in ay muhiim tahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wax ka qabato Musuq maasuqa ay waddo Wasiirka Haweenka Xukuumadda Soomaaliya.

Arintan ayaa salka ku heysa xilli maanta ururka haweenka qaranka ay ka soo horjeesten shir weynaha haweenka soomaaliya oo wasaradda soo qabnqaabisey kaasi oo muqdisho ka furmaya.

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.