Nin gabar kufsaday kadibna dilay oo maanta lagu toogtay magaalada Garbahaareey
Maxkamadda Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa saaka dil ku fulisay Nin horay kufsi u geystay.
Xukunka dilka ah ayaa lagu fuliyay Maxamuud Cali Xaamuud oo 32 jjir ahaa,kaas oo lagu eedeeyay in uu gabar kufsaday kaddibna dilay.
Maxkamadda Magaalada Garbahaarreey ayaa Ninkan labo maalmood ka hor ku ridday xukunka dilka toogashada ah,maantana waa ay ku fulisay.
Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa maalintii xukunka lagu ridayay Ninkani sheegay in Maxamuud Cali Xaamuud uu qirtay kufsiga iyo dilka gabadha islamarkaana uu si kas ah u dilay.