Haweeney Soomaaliyeed oo diyaarad Afduubatay oo dalbatay in Soomaaliya lagu soo celiyo

Caasha Cabdulle,waxaa ay sanadkii 2008dii afduubtay diyaarad Rakaab oo mareysay hawada Dalka New Zealand.

Xilligaas waxaa ay isku dayday in ay Middi ku afduubato Diyaarad ka soo duushay Magaalada Blenheim kuna sii jeedday Magaalada Christchurch,waxaana xiray Ciidamada amaanka.

Maxkamad ayaa la saaray waxaana lagu xukumay sagaal sano oo xabsi ah,waxaa ay dhameysatay sanadkii 2017kii

Daqaatiir dhinaca dhimirka ah ayaa ku taliyay in Caasha markii ay dhameysatay xabsigeeda lagu sii hayo meelo gaar ah oo cilmu nafsi ahaan loogu daryeelo.

Waxaa ay hadda dooneysaa in dib loogu soo celiyo dalkeeda Soomaaliya,waxaana ay tiri “ma doonayo inaan sii joogo New Zealand,waxaan doonayaa halka ay joogaan qoyskeyga,halkaas ayaan amaan ku helayaa”.

www.Somalitopnews.com     

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.