Magaalada Gaalkacayo oo tababar loogu soo xiray cutubyo kamid noqonaya CXD

Taliyaha Ciidanka xoogga Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi indha-Qarshe oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo ka mid Noqonaya Ciidamada danab ee Qaybta 21aad.

Munaasabada Tabararka loogu soo xirayay Ciidankaan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele xaaf , Abaanduulaha qaybta 21aad Xuseen Xoosh Iyo Saraakiisha Danab ee Qaybta 21aad.

Ciidamada Tababarka Dhameystay ayaa Goobta ku marey Dhoolatus ay ku soo bandhigayeen awoodooda ciidan iyo waxa ay barteen iyag oo Soo bandhigey Xirfadaha Dagaalka ee La barey kuwaa oo Taliyaha Xoogga uu ku Bogaadiyey Saraakiisha Soo Carbisey mudada Dhowrka bilood aheyd ee tababarka ay ku Jireen.

Taliyaha Xoogga oo Goobta ka hadlay ayaa ugu dambeyn Sheegey in Munaasabadan ay ka mid tahay Waxyaabaha marqaatiga u ah soo laabashada Cududii Ciidanka Xoogga Dalka iyo

Dhawaan ayay markii war ka soo baxay Xaiska Madaxweynaha Galmudug Xaaf lagu sheegay in Ciidan Dowladda ee qeybta 21 aad iyo NISA ay dhibaato ku yihiin jiritaanka Galmudug.

 

www.Somalitopnews.com     

 

Mogadishu-Somalia

 

Somalitopnews.com@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.