Mareykanka oo faah-faahiyay guulaha laga gaaray duqeymaha Al shabaab

Taliyaha Howlgallada gaarka ah ee Taliska Mareykanka ee Afrika Maj. Gen. Marcus Hicks, ayaa sheegay in AL-shabaab ay ciidan badan uga dhinteen howlgallada ka socda Soomaaliya.

Maj. Gen. Marcus Hicks, oo Wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka,kuwa AMISOM, Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ay guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Waxaa uu intaas ku daray in dhulka Al-shabaab laga saaray uu ka mid yahay 45KM oo Koofur Kismaayo ku beegan raacsanna Wabiga Jubba ee mara Gobolka Jubada hoose.

Maj. Gen. Marcus Hicks, ayaa intaas ku daray in Ciidamada Mareykanka iyo saaxiibada ay ka wada dagaallamaan Soomaaliya ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya.

www.Somalitopnews.com     

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.