Mareykanka oo ku heshiiyay qarinta khasaaraha shacabka ka soo gaara Duqeymaha

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo saaray amar uu ku joojinay shaacinta khasaaraha rayidka ka soo gaara duqeykamaha uu ka geysto meelo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Arbacadii shalay wareeto uu saxiixay Donald Trump ayaa lagu faray Hay’adaha Sirdoonka Mareykanka in aysan sheegi karin khasaaraha dhinaca rayidka ka soo gaara weerarrada ay geystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareyknak.

Marka lagu shaacinay khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaara weerarrada Mareykanka waxaa markii hore bixiyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama, laakiin waxaa amar kaas laalay Trump.

Wareegtada Trump ka soo baxday waxaa aad u cambaareeyay hay’adaha dhinaca xuquuqda aadana oo ku eedeeyay Trump in uu u bira tumanayo leynta dadka rayidka ah iyo la qariyo waxyeellada soo gaarta.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa duqeyn dimaca cirka ah ka geysta dalalka Ciraaq, Syria, Afghanistan, Somalia iyo Libya,waxaana ay kula dagaallamaan Daacish iyo AlQaacidda.

www.Somalitopnews.com     

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.