Nin hubeysan oo masjid ku dhex dilay Suldaan Bashiir Muuse

Alle ha u naxariisto Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ka mid ahaa isimadda Puntland ayaa lagu dilay Masjid ku yaal Magaaladda Bosaso, waxaana dilkiisa ka dambeeyay nin hubeysan.

Suldaanka ayaa lagu dhex toogtay Masjidka Mubaarak oo ku yaal xaafada Laanta Hawada halkaasi oo uu yimid inuu ku oogo salaada Jimcaha. Ninka dilka gaystay ayaa la sheegay inuu ka cararay goobta, sida ay goobjoogayaal u sheegeen warbaahinta.

Wararku waxay intaa ku darayaan, in ilaaladii uu watay suldaanku ay isku dayeen inay qabtaan ninka dilka gaystay hase yeeshee uu ku tuuray Babmo gacmeed, kadibna uu baxsaday.

Ilaahay Naxariistiisa janno ha siiyo Suldaan Bashiir Muuse Koonte , waxaa uu ka mid ahaa isimadda sida weyn looga yaqaan Puntland, gaar ahaan gobolka bari oo uu degaan ahaan ka soo jeedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.