Dib u dhac ku yimid kalafadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu waday in uu ka furmo Kalfadhiga 5aad ee golaha shacabka Soomaaliya.

Golaha shacabka ayaa ka soo laabtay fasax labo bilood ah oo ay galeen dhamaadkii December ee sanadkii la soo dhaafay.

Waxaa Guddoomiyaha Golaha shacabka uu sheegay markii uu soo xirayay kalfadhigii 4aad iyo Golaha shacabka ay isu soo laaban doonaan 10ka Bishan March oo maanta ku beegan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ka maqan dalka, taas oo aan suuragal ka dhigeyn furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha shacabka.

Qaar ka mid Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa u sheegay warbaahinta in ay u badan tahay in kalfadhiga 5aad la furo 16ka Bishan oo ku beegan sabtiga soo aaddan.

www.Somalitopnews.com     

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.