Axmad Madoobe “ 20 Million oo Doller xitaa kuma dooranayo Kursigeyga”

Kulan xasaasi ah oo alabaabada u xirnaa ayaa Xalay ilaa maanta  wuxuu Magaalada  Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ku dhex maray Axmed Madoobe, Fahad Yaasiin iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka oo ahaa mid aad u kulul ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa markii hore si gaar ah u bilaabay Axmed Madoobe iyo Fahad Yaasiin, inkastoo markii dambe lagama maarmaan ay noqotay in lagu soo daro Xasan Cali Kheyre

Axmed Madoobe ayaa dowladda Soomaaliya ugu horeynba shuruud adag uga dhigay inaysan faragelin ku sameyn doorashada maamulka Jubbaland oo dhawaan dhici doonto.

Fahad iyo Kheyre ayaa dhawr jeer ka dalbaday Axmed Madoobe inuu doorashada isaga tanaasulo oo uu qaato lacag dhan 3 Million oo doller sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland.

Axmad Madoobe ayaa arintaasi diiday waxaana ay hadane ka codsadeen in uu ka dhigo doorashada  mid fur furan oo madax banaan isla markaasna ay goob joog ka ahaato Dowladda Federaalka Soomaaliya balse Axmed oo ah nin aad u adag ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ka tanaasuli doonin damaciisa ku aadan inuu difaacdo kursiga uu ku fadhiyo ee Jubbaland.

Axmad Madoobe ayaa laga soo xigtay in uu yiri “20 Million oo dollar xitaa hadaa  sii saan kama harayo doorashada iyo kursigeyga”

Ugu dambeyntii kulamadii saakay waxey labada dhinac  isku raaceen  in Axmed Madoobe loo madax banaaneyno doorashada ka dhici doonto  Jubbaland  inkastoo ay mar kasta wax is badali karaan.

Tan iyo markii ay dhacday Doorashadii Maamulka Koonfur Galbeed oo ay hareereysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayey taas keentay inuu Axmed Madoobe xirto difaac adag oo uu ku doonayo inaysan doorashada Jubbaland noqon sida middii Koonfur Galbeed.

Axmed Madoobe ayaa ah hoggaamiyaha ugu adag madaxda Maamul Goboleedyada, wuxuuna isticmaalaa awood ciidan isagoo dhawr jeer garoonka Diyaaradaha kasoo celiyey qaarna ku xiray shakhsiyaad ay dowladda u magacowday xilal Ciidan.

Dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan u gashay doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxayna ku guuleysatay mid kamid ah oo ah Koonfur Galbeed halka midda kale looga adkaaday, waxayna hadda loolan adag ugu jirtaa sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd  Jubbaland.

 

www.Somalitopnews.com

     

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.