Howlgallo ka dhan ah Al shabaab oo ka socda gobalka Jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa ay dhaq-dhaqaaqyo military ay ka wadaan Deegaano u dhow degmada Jamaame ee Gobalka Jubada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in ay bartilmaameedsanayaan Xubnaha ka tirsan  Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan Deegaanada ka agdhow Degmada Jamaame.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay Sheegeen in Maalmaha soo aadan ay Al-Shabaab ka saari doonaan Degmada Jamaame  ee Gobalka Jubada Hoose.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dileen Deegaano deegaano u dhow Degmada Jamaame ee Gobalka Jubada Hoose.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland waxaa ay Howlgalo ka dhan ah dagaaalamayaasha Al-Shabaab ay ka wadeen Deegaano ka tirsan Gobalka Jubada Hoose.

www.Somalitopnews.com

     

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.