Shirka jiheynta maamulka Puntland oo maanta lasoo gaba gabeynayo

Waxaa maanta lasoo gaba gabeeyo shirka jiheynta siyaasadda xukuumadda Puntland kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka soconayay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shirkan oo uu shir gudoominayo madaxweynaha Puntland ayaa maanta galay maalintii sadexaad iyadoona diiraddu lagu saarayo arimo ay kamid yihiin:-

Soojeedin dhammaystirka talaabiyinka hore ee qorshe hawleedka dowladda.

Soojeedin iyo falanqayn kobcinta dakhliga dawladda.

  1. Sharaxaad nidaamka dakhli ururinta ee dawladda
  2. ilaha dakhliga ee dowladda
  3. Doorka hay’addaha dowladda ee dakhliga soo saara iyo habraaca la marayo
  4. Sidee loo kobcinkaraa dakhliga dawladda?
  5. Caqabadaha soo waajaha dakhli ururinta iyo kobcinta.

Soojeedin nuxurka shirka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u soo xiraya shirka, taasi oo micnaheedu yahay in maanta lasoo gebagebaynaayo Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda dawladda Puntland, waxaana shirka kasoo baxaya WAR-MURTIYEED soo koobaya qodobada kasoo baxay shirkani muhiim ka ah.

 

www.Somalitopnews.com

     

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.