Toogasho ay ku dhinteen dad muslimiin ah oo ka dhacday dalka New Zealand

Muuqaallo naxdin ah ayaa ka soo baxaya masaajidka dadka lagu laayay ee ku yaalla dalka New Zealand.

Dad kala duwan ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin carruur.

Inta la xaqiijiyay 40 qof ayaa ku dhimatay weerarka, waxaana jira dad six un ugu dhaawacmay weerarka.

Ra’iisulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa cambaaraysay weerarka lagu qaaday labada maajid.

Dhibaatada loo gaystay dadka cibaadaysanaya ayayna ku tilmaantay “mid ka mid ah taariikhda ugu madaw ee dalka Soo martay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi u diray dalka New Zealand, isaga oo magaciisa iyo midka dalkiisa ku hadlaya, wuxuuna cambaareeyay ciddii Muslimiinta masaajidka ku laysay.

Toogashada ayuu ku tilmaamay in ay tahay “wax aad loo dhaleeceeyo” wuxuuna intaas ku daray in ay tahay tallaabadii u dambaysay ee cusnsuriyadda iyo Islaam nacaybka sii kordhaya.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.