Ciidan katirsan kuwa maamulka Puntland oo mushaar la’aan darted uga baxay Saldhig Military

Wararka ka imanaya degaanka af urur ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in saldhig degaankaasi ku dhow ay isaga baxeen Ciidanka ka tirsanaa kuwa Puntland.

Ciidamadan oo isugu jira Daraawiish iyo Booliska ayaa isaga baxay Saldhig ciidan oo ay ku leeyihiin Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari, waxaana ay gaareen degaanka Jimbac.

Saraakiisha qaar ee Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada banneeyay Saldhigga ay ku lahaayeen Buuraleyda Galgala ay ka cabanayaan mushaar la’aan heysata muddo dhowr bilood ah.

Saraakiisha kale ee Ciidamada Puntland iyo Wasaaradda amniga oo ay Ciidamadan hoostagaan wali kama hadlin Ciidamada mushaar la’aanta darteed isaga baxay Buuraleyda Galgala oo ay goob ay si wadajir ah uga howlgalaan Al-shabaab iyo Daacish.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ololihisii doorashada ku galay in amaanka uu ugu jira  muhiimadaha hore daryeelka Ciidankana uu kow ka yahay

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.