Ciyaartooy Soomaaliyeed oo Billado dahab ah ka soo hoyiyay ciyaaro caalami ah

Ciyaartoyda Xulka qaranka Soomaaliya ee Cayaaraha fudud ayaa guul taariikhi ah kasoo hoyay tartan cayaaraha fudud oo dalka Djibouti maanta lagu qabtay, waxayna kala soo hoyden laba biladood oo dahab ah iyo kaalimo kale oo wanaagsan.

Tartankan  cayaaraha fudud ee Djibouti International Meeting oo da’yarta iyo waa weyn u qaybsanaa waxaa Soomaaliya u tartamayay 5 cayaaryahan oo laba qayb ku kala tartamayay waxaana wafdiga cayaartoyda qaranka hogaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud, Khadiijo Aadan Daahir iyo Guddoomiye ku XigeenkaXiriirka cayaaraha Fudud Faarax Cali Macallin.

Halkan ka aqriso tartamada ay cayaartoyda ka qayb galeen iyo natiijada ay keeneen.

Cabdi Salaan Axmed Maxamed oo ku tartamay orodka 800MTR ayaa kaalinta koowaad ka galay kadib marki uu ku oraday 1:55 Ilbiriqsi waxaaa lagu abaalmariyay Biladda dahabka.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodka 1500MTR ee dhanka da’yarta u tartamayay ayaa kaalinta koowaad isna ku dhamaystay kadib markii ku orday 3:46 :78 waxuuna sidaaasi ku hantay Biladda dahabka.

Cabdirashiid Yuusuf oo dhanka da’yrta orodka 800 ku tartamayay ayaa isna kasoo galay kaalinta 6-aad ee tartanka.

Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Orodka da’yarta 3,000MTR ka qayb galay ayaa  bandhigiisa aad u wanaagsanaa waxuu soo galay kaalinta afaraard kadib markii uu ku orday 8:36. isgaoo ku dhawaaday inuu biladda  maarta   hanto.

Cali Iidow Xasan oo qaybta ciyaartoyda waa weynka ku jiray ayaa ku dhamaystay kaalinta 7-aad ee tartanka    qaybtiisa  1500MTR waxuuna ku orday 3:49 taasoo ahayd Saacad wanaagsan.

Dhammaan cayaartoyda ayaa marka laga soo tago guulaha iyo kaalmaha ay galeen waxay sameeyeen saacado wanaagsan.

Cayaartoyda Xulka qaranka cayaaraha fudud ee guulaha keenay ayaa xero tababar oo gudaha dalka waxaa  sanadki 2017 ugu diyaariyay Guddiga olombikada qaranka Soomaaliyeed halkaas oo ay tababar ku qaadanayeen muddo sanad ah , waxaana kadib loo wareejiyay dalalka Kenya iyo Ehtiopia si ay tababarro heerkoodu sareeyo u helaan taasoo sahashay guushan taariikhi ah.

 

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.