LABO sano ka hor farriin u uu diray madaxda DF Soomaaliya Afhayeenkii hore ee wasaaradda Amniga

Lataliyihii hore ee wasaaradda amniga xukuumadda Federalka Soomaaliya ahaana afayeenka wasaaradaasi Cabdicasiis Cali Ibrahim “Xildhibaan” ayaa madaxda dalka dib u soo xasuusiyay fariin uu 2 sano ka hor u jeediyay madaxda dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Fariinta ayaa sidan u qorneyd:

FARRIIN KU SOCOTA:- Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya;- Waxaan RUMEYSANAHAY in ciidamada Qalabka Sida noocyadooda kala duwan iyo “QALABKA” dhex socda magaalada Muqdisho wax looga qaban karo ammaanka sii xumaanaya iyo xaaladda guud ee dalka maanta ka jirta isla markaana looga xoreyn karo kooxaha duullaanka ku ah sharafta & Qarannimada dalkeena Soomaaliya. 2 sano ka hor ayaan u jeediyay taladan.

Waxaad Muqdisho ku dhex arkeysaa Gaadiidka iyo Qalabka ciidamada oo ay shaqsiyaad ku xaragoonayaan halkii ay sugi lahaayeen soona celin lahaayeen amniga iyo xassilloonida guud ee dalka.

Waxaad kaloo Muqdisho ku arkeysaa Gaadiidkii ciidamada Qalabka Sida oo shaqsiyaad ay u dhexyaallaan guryahooda, taas oo sii cakirtay isla markaana sii fududeeyneysa in toddobaad kasta weerar ismiidaamin ah ay ka dhacaan goobaha ganacsiga sida gaarka ah loo leeyahay, habeen kastana ruux rayid ah lagu dilo magaalada Muqdisho.

Dowladdu waa in ay xil gaar ah iska saartaa muwaadiniinta loo dhaariyay ilaalinta nafta iyo maalkooda.

Waxaa AYAANDARRO ah: in wixii aan ka digaayay 2 sano ka hor ay weli ka taagan yihiin goobihii ay ka talin jirtay xukuumaddii ka horreysay ee madaxweyne Xassan Sheikh Max’ud, sida muuqata ammaankii faraha ayuu ka baxay, ma jirto cid lagu xisaabtamayo, cid shaqadii loo igmaday u gudatay sidii ay ay ama shaqada uga tagtay iyaba waa nasiibdarro’e.

Iima muuqato in wax guul ah lagu gaari doono waddooyinka MUQDISHO ee la xirayo maalin kasta iyada oo looga jeedo in lagu sugayo ammaanka haddana maaln kasta ay dhacayaan falal liddi ku ah amniga iyo XASSILLOONIDA guud.

Waa in la helaa isla xisaabtan dhab ah sida ay maalin kasta ku luqeeyaan madaxda maanta xilka heysa, waxaan hubaa in ay iman doonto maalin SHACBIGA Soomaaliyeed ay wax iska weydiin doonaan waxyaabaha dhacaya.

W/Q: Cabdicasiis Cali Ibraahim Xildhibaan

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.