Maamulka Galmudug oo isku raacay ineysan galin wax doorasho ah sandaha soo socda

Maamulka Galmudug ayaa Caddeeyay in aysan jirin doorasho ka dhaceysa degaanada maamulka Galmudug, islamarkaana wixii doorasho ah ay dhici doonto Saddex sano ka dib.

Galmudug waxa ay sheegtay in maamulka Abaabulkiisa iyo dhismihiisa rasmiga uu ka bilowday Markii Madaxtooyadda Soomaaliya lagu kala saxiixday heshiiskii dhexmaray Galmudug iyo Ahlusunna.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa ka qeyb galay kulanka todobaad-laha ah ee Golaha wasiirada Dawlad Goboleedka Galmudug,islamarkaana looga hadlaayay go’aankaan cusub.

Markii uu kulanka soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxa Xukuumada Galmudug isaga sheegay in Galmudug ay hal dastuur leedahay ayna ku hishiiyeen dastuurkaasna ayku shaqeyn doonaan.

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.