Madaxweynaha Jabuuti oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha Jabuuti ee ku soo wajahan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmaya madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ismacil Cumar Gelle ayaa la filayaa inuu xariga ka jaro safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa maanta u xiran imaanshaha wafdiga Madaxweyne Geelle.

Inta badan booqashada Madaxeynaha Jabuuti ayaa laga war helay shalay gelinkii dambe ilaa xalay markii Ciidamada amaanka ay waddooyinka xiranyeen.

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.