Madaxweyne Farmaajo oo dalka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle  iyo Wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Muqdisho, waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane farmaajo.

Wefdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa kamid ah Wasiirro, Xildhibaano iyo Fanaaniin, waxaana Qorshuhu uu yahay in Madaxweynaha Jabuuti uu furay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya oo ku taala Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wefdi la socda Madaxweynaha ay dhankooda kulamo la qaadan doonaan madaxda Dalka, kaasi oo looga hadli doono xiriirka iyo Iskaashiga labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa.

Waxaa jiro wufuud horu-dhac ah oo Madaxweynaha Jabuuti uga soo horeeyey Muqdisho, waxaana marka laga tago wasiirada la socda Wefdiga kamid ah fanaaniin Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal.

 

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.