Somaliland oo ganacsateeda ka dooratay shirkadda DP World ee Berbera maamusha

Maamulka Somaliland ayaa aqbalay Codsi uga yimid Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Magaalada Berbera, taasoo aheyd in Sare loo qaado lacaggaha laga qaado Ganacsatadda adeegsata dekedda.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland,Maxamuud Xasan Sacad (Saajin),  ayaa sheegay in ay DP World u ogolaadeen in lacagaha tafaariiqda ah ee ay ka qaaddo alaabaha kasoo degaya dekedda ay ku qaadato qiimaha suuqa, halka markii hore ay ku qaadan jirtay qiimaha baanka dhexe ee Somaliland.

Wasiir Saajin wuxuu ganacstada dekedda Berbera alaabaha kala soo dega ku amray in ay si degdeg ah ugala baxaan alaabtooda, kuwaasi oo uu sheegay in iyagoo ka xun arrintan ay diideen in ay alaabaha kala baxaan dekedda.

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.