Xasan Aadan Samatar iyo Axmad Cali Cigaal oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay Fanaaniin Soomaaliyeed oo katirsanaa hobaladii Waaberi kuwaa oo dalka isaga cararay burburkii kadib.

Xasan Aadan Samatar oo ku dhawaad 30 sano ka maqnaa Soomaaliya ayaa maanta ka soo dagay magaalada Muqdisho, waxaana la socday Axmad Cali Cigaal oo isna kamid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee aad loo jecelyahay dalkana ka maqnaa in kabadan 20 sano.

Fanaanintan Soomaaliyeed waxey la socdeen wafdiga Madaxweynaha Jabuuti ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaaliya Maxamed Cabdulllahi Farmaajo.

Fanaaniintan ayaa heeso kala duwan oo wadani iyo jacel isugu jira horay u qaaday walalow sanadahan ugu dambeeyay aysan qaadin heeso cusub, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay da’ kadaba timid.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.