Xiisada u dhaxeysa ganacsatada Berbera iyo Shirkadda DP World oo cirka isku shareertay

Wararka ka imaanaya magaalada Berbera ayaa sheegaya in ay halkaasi ka taagantahay xiisad u dhaxeysa Ganacsata Dekadda Berbera iyo Shirkadda DP-world ee maamusha dekadda oo la sheegay in ay isku qabsadeen Canshuur kordhin lagu sameeyay badeecadaha u soo dega ganacsatada.

Ganacsatada ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen in ay canshuurtaan alaabtii ay kala soo degi jireen dekadda iyaga oo sheegay in lagu qaaliyeeyay canshuurta,taasna ay sababtay in uu cirka isku sharesro sarrifka lagacta Somaliland oo gaaray 8500 oo shilinka Somaliland ah halka wixii ka horeeyay 12-ka bishaan uu ahaa 7000 oo kaliya.

Ganacsatada ayaa ku hanjabay iney burburin doonaan qalabka iyo dhamaan dhismyooyinka DP World ee Boosaaso hadii aysan dhimin canshuurta.

Kulan ayaa haatan u socda gudi ganacsata ah oo looga hadlayo carada ka dhalatay go’aanka Shirkadda DP World ay ku kordhisay Canshuurta,dhinaca kalana waxaa hakad ku jirta shaqada dekadda magaalada Berbera,iyada oo ilaa iyo haatana aysan ka hadlin madaxda maamulka Somaliland.

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.