AMISOM oo joojisay iney dagaal la gasho ururka Al shabaab!

Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya ( AMISOM) ayaa gabi ahaanba joojiyay in ay dagaal la galaan Al shabaab iskaba daa iney la wareegaan deegaano cusub oo Al shabaab maamulaan.

9 Bil ka hor ayey aheyd markii Ciidamada AMISOM oo garab ka helaya kuwa dowldda ay la wareegeen deegaano dhaca gobalka Jubbada Hoose, wixii markaas ka danbeeyayna ay joojiyiin la dagaalanka Al shabaab.

Ciidamada AMISOM oo tiradoodu ay ka badan tahay 22,000 oo Askar ayaa qaata mushaar 10 jibaar ka badan kan uu qaato Askariga Soomaaliyeed ee daruufaha adag ku shaqeynaya.

Waxaa soo shaac baxday in AMISOM iyo Al shabaab ay wada shaqeeyaan taa oo banaanka timid markii inta badan dalalka ciidamada AMISOM ka socda ay diideen in ciidamadooda ay ka dhimaan Soomaaliya waxaana kamid ah Burundi iyo Uganda.

Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya ka geesta tacadiyo kala duwan iyadoo ay xusid mudan tahay in kheyraadka dalka ay u dhoofsadaan wadamada ay ka kala yimaadeen.

Dowladda hadda jirta ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Madaxweyne Farmajo waa ay ku guul dareesatay iney Al shabaab kala wareegto deegaanada yare e gacanta ugu jira, taa badalkeeda Al shabaab ayaa Muqdisho ka fulinaya weeraro xoogan oo lagu qaado xarumaha dowladda waxaana dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartaa dadka shacabka ah.

Ciidamada AMISOM waa kuwa colooshood u shaqeystayaal oo fiirsada mushaarka ay ku qaataan howlgalka ay u joogaan SOOMAALIYA.

Ciidanka xoogga dalka oo mushaar fiican iyo daryeel hela ayaa looga maarmi karaa ciidamadan shisheye ee AMISOM.

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.