Ciidamada Dowladda oo dilay sarkaal iyo askar katirsan Al shabaab

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen ciidmaada dowladda Soomaaliya lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Garguduud oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitax Xaaji Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaalkan sidoo kale lala dilay qaar ka mid ah xoogaggii uu hoggaaminayay kaddib iska horimaad culus oo ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xirira sheegashada mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha hoose.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka mid ah deegaannada ay ka dhacaan dagaallada ugu badan iyo weerarrada duqeymaha ah ee lagu beegsado Ururka Al-shabaab.

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.