Dagaal beeleed saakay ka qarxay deegaanka Cadale ee Gobalka Shabeelaha Dhexe

Warara naga soo gaaraya Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka qarxay dagaal u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed.

Dagaalkan ayaa ka socda tuulada Bur-dheer oo hoostagta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ilaa hadda waxaa la sheegayaa in uu jiro khasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya,waxaana rasaasta laga maqlayaa tuulooyinka ku dhow degaanka lagu dagaallamayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa dhowr jeer oo hore isku dayay in la joojiyo dagaalka labada beelood oo labadii sano ee la soo dhaafay ka dhacayay degaannadaas.

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.