Gudoomiye Casir oo ka hor yimid go’aankii Xaaf iyo Sh.Shaakir, kuna dhawaaqay waqtiga doorashada

Cali Gacal Casir gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo u warramay  Shabelle ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin diyaar garow ku aadan qabashada doorashooyin dhawaan ka qabsoomi doona deegaanada maamulkaasi.

Waxa uu sheegay go’aankii ay qaateen Madaxweynaha Galmudug Axmad Ducaale Geelee Xaaf iyo  Madaxa xukuumadda Sheekh Shaakir inuu ahaa mid qaldan, isagoo xusay in ay hareer mareen dastuurka maamulka Galmudug, waxaana uu tilmaamay in Galmudug ay mugdi sii galinayaan.

Waxa uu xusay in bisha June ee soo socota la qaban doono doorashada golaha wakiilada, kadibna la sii amba qaadi doono mida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.