Xildhibaanad loo xiray aflagaado ay u geesatay ciidamada dowladda Soomaaliya

Catherine Waruguru , oo ka mid ah Baarlamaanka Kenya ayaa xabsiga la dhigay markii Baraha Bulshada lagu baahiyay iyada oo sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo Soomaali ah cusuriyad ku sameyneysa.

Muuqaalka Baraha Bulshada ayaa muujinaya Haweeneyda oo aad ugu qeylineysa sarkaalka Booliska ah oo uu isaguna u dheg raaricinayo.

Hadallada laga qabtay ee ay tiri waxaa ka mid ah “halkan Kismaayo maaha, orodoo soo xiri xir Al-shabaab iyo burcadda, kana leexo dadka ganacsanaya”,waxaana muuqaalkaas uu aad u qabsaday baraha bulshada.

iyada oo la hadleysa sarkaalka Booliska ah oo lagu magacaabo Cabdi Cali. Guddoomiyaha Xisbiga ay katirsantahay ee Narc Kenya party, Martha Karua, ayaa cambaareeysay hadalka ay Xildhibaannadda ku tiri sarkaalka Soomaali Kenyaanka ah ee ku jira Booliska Kenya.

Booliska ayaa sheegay in Xildhibaanadda Damiin lagu sii daayay,markii loo baahdana ay Booliska u yeeri karaan si loola xisaabtamo.

www.Somalitopnews.com      

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews.com@gmail

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.