Ciidamada Burundi oo la wareegay deegaano dhowr ah oo ciidamada dowladda isaga baxeen

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay la wareegay Ciidamada dowladda Burundi ee qeybta ka ah howlaga AMISOM,kadib markii ay ka soo baxeen Ciidamadii dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Burundi ayaa waxaa la sheegay in markii hore ay Saldhigyo ku lahaayeen meel ka baxsan degmada Mahadaay,isla markaana haatan ay la wareegeen gacanta ku heynta degmadaas.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Burundi ayaa lagu arkayo Xaafadaha Magaalada,iyagoona soo galay kadib markii saakay ay halkaas isaga soo baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Ciidamada ayaa difaacyo hor leh ka sameeysanaya Degmada Mahadaay, halka markii horey ku sugnayeen meel ka baxsan degmada.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa saakay isaga soo baxay qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana kamid ah Mahadaay, Qalimow Garsaale,Haan sheekh iyo goobo kale oo ay ku lahaayeen Saldhigyo Militeri.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Ciidamada ay halkaas uga soo baxeen Mushaar la’aan soo wajahday Muddooyinkii dambe.

www.Somalitopnews.com

www.Mogadishu-Somalia

www.Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.