Faah-faahin: Xoolo dhaqato lagu dilay gobalka Mudug

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Balli busle oo hoostaga degmada Jarriiban ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Xalay 3 ruux Xoolo dhaqata ahaa lagu dilay nawaaxiga tuulo lagu magacaabo Xaafoodle oo u dhow Balli busle.

Maleeshiyaad hubaysan ayaa dilay saddexda ruux oo xoolo dhaqato ahaa sida ay sheegeen dadka deegaan ayna ka baxsadeen goobta xali ay dadku hurdayeen kooxdii dilka geysatay.

Dadka la dilay oo ahaa 3 qof oo rag ahaa ayaa la sheegay in ay hal qoys ka soo jeedeen oo ay ka kala ahaayeen labo wiil iyo adeerkood.

Dhanka kale wararka deegaanka laga helayo ayaa sheegay in Gudoomiyaha degmada Towfiiq ee Puntland Maxamed Cabdulqaadir Ahmed oo ku baxay deegaanka ay mashaqadu ka dhacday ayaa dhaawac ka soo gaaray ka dib markii dad reer guuraa ah ay ka shakiyeen gaari uu watay sidaana ay rasaas ugu fureen.

Dhawaaca Gudoomiyaha ayaa loo soo qaaday Isbtaalka Magaalada Magaalada Gaalkacyo si loola tacaalo xaladiisa Caafmaadka.

Deegaanada iyo Degmooyinka hoostaga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ku soo laalaabtay marar badan dagaal beeleedyo u dhexeeya dadka reer guuraaga ah.

www.Somalitopnews.com

www.Mogadishu-Somalia

www.Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.