Xildhibaanada Golaha Shacabka oo fasax dheer kadib ku soo laabanaya shaqada

Guddiga joogtada ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo go’aamiyey xilliga uu furmayo kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xubnaha guddiga joogtada ayaa go’aamiyey in 27 bishan Maarso oo ku beegan Maalinta Arbacada inuu si rasmi ah u furmo kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo muddo laba bilood ah fasax ku jiray ayaa kuwooda dibeda ku maqan waxaa loogu baaqay iney dalla ku soo laabtaan xiligaas ka hor.

www.Somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia

                                     

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.