Faah-faahin: dagaal u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan dowladda oo Muqdisho ka dhacay

Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay  isgooyska Tarabouunka ee magaalada Muqdisho,wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada iyo koox burcad ah ay isku dhaceen waxaana  ay isku adeegsadeen rasaas xoog leh dhinacyada dagaalamaya.

Dada goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay ka war heleen rasaas mar qura is qabsatay isgooska Tarabuuka kadibna ay dadkii ku sugnaa halkaas ee ku lahaa goobaha ganacsi ay ku kala carareen.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid xaqiijin karta waxa sababay dagaalkaan waxaana weli hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadka,lamina xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka shay dagaalkaan.

Sidan oo kale dhowr jeer waxaa dagaal nuucaan ah uu ka dhacay Muqdisho, dowladana waxba kama qabato.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia   

 Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.