Sidee Al shabaab ugu suuragashay iney weeraraan xarumo dowladeed oo aad loo ilaaliyo?

Maanta kaliya waxaa Muqdisho ka dhacday Afar Qarax kuligood waxey geysteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana fuliyay oo soo agaasimay dagaalyahano katirsan ururka Al shabaab.

Isweydii: Sidee magaaladan oo kumanaan ciidan oo kala duwan ka howlgalaan islamarkana ku leh bar-kontralyo farabadan loo soo mooday , sideese lagu qarxiyay xarumo aad loo ilaaliyo oo wasaaradeed? waa su’aal madaxa daalineysa.

Dowladda hadda jirta wuxuu waqtiga ka dhamaanayaa iyadoo aanw waxba ka qaban arrimaha amniga iyo ladagaalanka Al shabaab, xiligii Farmaajo la dooranayay halkii ay Soomaaliya joogtay iyadoo taagan buu xilka ka dagayaa.

Shaki badan ayaa soo baxaya kaa oo ku saabsan sababta dowladda wax uga qaban la’dahay weerarada iyo dilalka ay geestaan Al shabaab.

Waxaa muuqata in amniga qaranka la siyaasadeeyay, maxaa yeelay ciidamadii ku shaqada lahaa ma helaan daryeelkii ay u baahnaayeen kuwa Muqdisho ka howlgala iyo kuwa gobalada jooga isku si ayey uga cabanayaan mushaar la’aam.

Wey iska cadahay in ciidamada dowladda ay laaluush ka qaataan Al shabaab si ay ugu fududeeyaan weerarada ay ka geestaan magaalada Muqdisho.

Dowladdan hadda jirta malahan qorshe cad oo ay kaga adkaan karto Al shabaab, wasiirka amniga Maxamed Islow shaqo kuma lahan howlaha amaanka sidoo kale Fahad Yaasiin oo heesta taliska NISA isna shaqo kuma lahan arrimaha amniga.

Sidee baabuur qaraxyo ku raran yihiin ku gaareen wasaarado aad loo ilaaliyo oo aan agtooda la mari karin!

Shacabka iyo dhalinyarada reer Muqdisho ayaa laga rabaa iney isku tashtaan iskana qabtaan cadowga muuqda iyo kan beenta ah ee shaarka wata.

W/Q: Tafatiraha Somalitopnews

Gmail: Abdiazizh99@gmail.com

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia   

 Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *