Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku riday rag katirsanaa Daacish

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuntay labo ka mid ah Rag loo heysto in ay ka tirsanyihiin Ururka Daacish.

Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa afarashadu yahay Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali oo magiciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Ururka Daacish.

Raggan oo watqiyo kala duwan gacanta lagu dhigay ayay Maxkamadda Ciidanka sheegtay in ay isku aqoonsadeen halkii ay ka socotay Maxkamadeyntooda kana wada tirsanaayeen Ururka Daacish.

Waxaa ay ka soo wada dagaallameen Af Urur iyo Calmiskaat oo ka wada tirsan Gobolka Bari ee Puntland,halkaas oo ay ka mid ahaayeen Ciidamada Daacish.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa ku xukuntay min lix Sano oo Xabsi ah,waxaana xukunkaasi ku dhawaaqay xasan Cali Nuur Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur SHuute ayaa sheegay in xukunka lagu riday raggan uu leeyahay Racfaan.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia   

 Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.