Cali Khaliif Galeyr oo su’aal ka keenay Heshiis uu la galay Somaliland xiligii Axmad Siilaanyo

Cali Khaliif Galeyr oo horay heshiis ula galay Maamulka Somaliland ayaa su’aal ka keenay halka uu ku dambeeyay heshiiskaas iyo cidda wax laga weydiinayo.

Waxa uu tilmaamay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siinlaayo) ay heshiis wada galeen 2017-kii oo ku beegneed xiligii uu talada hayay.

Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uusan garaneyn cidda uu kala hadlayo fulinta heshiiskaasi, maadaama tan iyo xiligaas aan lasoo hadal qaadin.

Waxa uu soo hadal qaaday in xubnaha maamulka haatan haya ay isku Xisbi yihiin Madaxweynihii heshiiskaan galay.

Cali Khaliif ayaa sheegay in loo baahan yahay Dastuur muddo dheer lagu sii shaqeynayo, kuna cad yihiin wax waliba oo aan ku jirin qodobo is qabanaya ama iska hor imaanaya.

Kala cadeynta howlaha iyo awoodaha shaqada oo lagu muujiyo Dastuurka ayuu sheegay in ay qayb ka qaadan karto in uu gaaro 50 sano ama 100 sano sida uu hadalka u dhigay.

Qodobadii ay kala saxiixdeen Axmed Siinlaayo Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland iyo Cali Khaliif Galeyr oo ka socday Maamulkii Khaatumo waxaa kamid ahaa: ka shaqeynta sugidda amniga, dhameystirka heshiiska, iyo qodobo kale.

www.Somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia   

 

 Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.